Dowladda TURKIGA oo ka fakaraysa tallaabo ka dhan ah Imaaraadka oo lala yaabo

Tripoli (Caasimada Online) – Haddii uusan jiri lahayn cudurka  COVID-19, Turkigu waxaa uu diiradda saari lahaa xaaladda Liibiya oo ay is bedello muhiim ah ka dhacayaan, si ka badan inta uu hadda diiradda saaro.

Markii Dowladda Qaramadda Midoobay aqoonsan tahay ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj ay weydiisatay taageerada Turkiga, xukuumadda Ankara waxay qorshe seddax tallaabo ah u hindistay reer Liibiya.

Faro-gelinta Turkiga waxay ciidanka Liibiya ka caawisay inay sugaan amniga magaalada caasimadda ah ee Tripoli iyo duleedyadeeda, si ay ugu khasbaan ciidanka Khaliifa Xaftar inay joogsadaan, iyadoo ugu dambeyntiina Jeneraalka ay khasab ku noqotay inuu wada-xaajood dalbado.

Hadda waxkasta waxay ku socdaan qorshaha Turkiga. Difaacii dagaal-ooge Khaliifa Xaftar  ku hareereysnaa magaalada Tripoli ayaa burburay, ciidankiisuna waxay bilaabeen inay dib u gurtaan. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo maxalli ah, kooxaha calooshood u shaqaysteyaasha ah ee Ruushka oo loo yaqaano Wagner Group waa laga daad gureeyay galbeedka Liibiya.

Dhanka kale, Khaliifa Xaftar waxaa uu u muuqdaa in hadafkiisa ugu weyn ee ahaa inuu qabsado caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, hadda la joojiyay.

Mohammed Bin Zayed oo ah dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta waxaa uu ka mid yahay Taageerayaasha Jeneraal Khalifa Xaftar. Waxaa uu sidoo kale saaxiib dhow la yahay Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha Sacuudiga, kaas oo ku lug leh dambiyada qaar.

Amiir Maxamed-ka Imaaraadka waxaa uu ka mid yahay meelaha ay kasoo bilaabatay xasilooni daradda Bariga Dhexe. Waxuuna gobolka ka sameeyay siyaasado ka dhan ah dowladda Turkiga.

Imaaraadka Carabtu waxay sidoo kale ku xad gudubtaa cuna-qabateynta hubka iyo lacagta ee saaran Jeneraal Xaftar. Waxayna adeegsataa awoodeeda dhaqaale si ay u maalgeliso ololeeyeyaasha ka dhanka ah Turkiga ee aduunka oo dhan jooga.

Sidoo kale Imaaraadka Carabtu waxaa uu si toos ah lacag u siiyaa ciidanka iyo warbaahinta kasoo horjeeda dowladda Turkiga.

Imaaraadku waxaa uu gadaal ka riixayay afgambigii militeri ee Masar ka dhacay sanadkii 2013-kii, waxeyna taageero dhaqaale ku bixisay cadowga Turkiga. Dalkan saliidda qaniga ku ah waxaa uu isku deyayaa in uu howlgallo sirdoon ka fuliyo gudaha dhulka Turkiga. Xusuusnow, Turkigu waxaa uu xiray dhowr qof oo ka mid ah sirdoonka Imaaraadka bilihii u dambeeyay.

Dhaxal-Sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed ayaa sidoo kale horey dowladda Syria uga dhaadhiciyey qorshe lagu burinayo xabad-joojinta gobolka Idlib ee kala dhaxeysa Turkey, isaga oo u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, waxaas sidaas weriyey wargeyska Middle East Eye.

Maalmo ka hor kulan dhex-maray saraakiil Russia iyo Turkish ah oo lagu raadinayey heshiis xabad-joojin, ayaa 5-tii March waxa uu Mohammed Bin Zayed sarkaal sare oo lagu magacaabo Ali Al-Shamsi u diray magaalada Dimishq, si uu wada-xaajood ula galo madaxweyne Bashar Assad.

Bin Zayed ayaa Assad u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, si uu dib ugu billaabo howl-gallada iyo weerarada gobolka Idlib.

Assad ayaa loo hormariyey 250 milyan oo dollar oo kaash ah, ayada oo loo ballan-qaaday in ka hor dhammaadka bisha March la siin doono 1 bilyan oo dollar, ayada oo lacagta inta ka harsanna la bixin lahaa goor dambe.

Qorshahan ayaa waxaa ka war-helay madaxweynaha Russia Vladimir Putin, kaasi oo aad uga carrooday. Putin ayaa kadib wasiirkiisa gaashaandhigga Sergei Shoygu u diray Dimishiq kuna armay inay joojiso qorshahan.

Gardarada Imaaraadka, Turkigu ma ku jeesan doonaa? Sida uu sheegay Saxafi Turki ah oo lagu magacaabo  Hakan Çeli, dowladda Turkigu waxaa ay isu diyaarineysaa inay jawaab adag ka bixiso ficillada Turkiga. Çelik waxaa ka digay in Ankara oo u dulqaadaneysay Imaaraadka, kana sugeyssay inuuu dhaqankiisa bedelo, ay hadda qaadi doonto tallaabo dhaawici karto dalkaas, oo caalamka oo dhan uu ka yaabo.