Shirkii golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay 3 arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay seddax qodob oo kala ah amniga, abaaraha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka iyo saameynta cudurka Covid-19 oo aad ugu faafay dalka bilihii u dambeeyey.

Sidoo kale fadhigii maanta ee golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay xubin cusub oo lagu biiriyey guddiga doorashooyinka, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka.

Golaha wasiirrada ayaa kulankoodii maanta warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda ka dhageystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee cudurka Covid-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegeen in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira,” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay xafiiska Rooble.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyn kulankii maanta warbixin uga dhageystay guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.