Shuruud cusub?: Axmed Madoobe oo shaaciyey qodobo ay DF ka rabaan ka hor shirka Garoowe

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka filayaan madaxda dowladda Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin shirka ka dhacaya magaalada Garowe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ka filayaan ka hor shirka dib u heshiisiinta ee magaalada Garowe inay ka la timaado is badal ku saabsan waxyaabaha laga tabanayo.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay wax badan ka tabanayeen dowladda Soomaaliya, balse hadda loo baahan yahay maadaama isku soo dhawaansho uu jiro inay isbadal ku sameyso dhamaan waxyaabaha laga tabanayay.

“Dowladda waxaa laga doonayaa inay la timaado int shirka ka horeeysa isbadal muuqanayo oo ka badalan dhaqankii shalay yaalay iyo waxii la tabanayay, iyadaa Waalid ah, iyadaa masuuliyadda saaran tahay, waxa wax laga tabanayay dowladdey aheyd, waan sugeynaa marka waxay wax ka badalaan”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in isimada Puntland iyo madaxweynayaashii hore ee dalka ay in badan ka shaqeeyeen sidi la iskugu soo dhawaan lahaa, waxaana uu xusay in kulamadii la yeeshay ay wax badan badaleen.

20 Bisha Maarso ayaa la filayaa in shir ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya uu ka dhacdo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu iclaamiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com