Sida uu kusii billowday jiritaanka iyo xuska mowliidka Nebiga NNKH.

قال بعالي وكان فضل الله عليك عظيما

Walalayaal sanad walba dadka muslimiinta waxay xusaan dhalashada Nabiga NNKH. Sida rajaxa ah wuxuu dhashay 12 bishan rabiicul awal, xaflada la dhigane waxaa laga aqriyaa siiradiisa, waana la ammaana, waana lagu saliyaa, dadkane way ku kulmaan, sadaqane waa la bixiyaa.

Intaas waxa uu nabiga ogeyn oo bidco ah ma jiro, laakiin intaas oo dhan oo halmeel lagu sameeyo oo Ahlu-Sunna ah waxaa ugu horeyay ملك اربل مظفر ابو سعيد ابن زين الدينi.

Ibnu Jawzi, waxa uu yiri “ruuxii ugu horeeyay ee billaaba mowliidka waa Mudafir, wuxuu qabay Salaxudiin Al Ayubi Walashiis Mudafir.

Boqorki Irbiil wuxuu kulmiyay culumo waqtigiisa oo ay ka mid ahaayeen:- Ibnu Xajar Casqalani oo ah ninka sharaxay bukhaariga iyo Ardagisi Alxaafid Sakhawi, sidoo kale suyudi ayaa ka mid ahaa iyo culumadii waqtigaas joogtay kuwoodii ugu waa weyna, waxayna isku raaceen in mowliidku uu shay wanagsan yahay.

Ibu Kathiir wuxu ku yiri kitaabkisa البدبيه والبهايه كان ملك مظفر يعمل المولد الشريف في ربيع الاول “Boqorka Mudafar wuxuu ahaa mid mowlidka dhigo bisha rabicul awal, wuxuna dhigi jiray ixtifaal weyn, wuxu qali jiray xoolo fara badan iyo digag faro badan iyo xalawiyd farabadan.

Marka dadka waxay ku ordaan marka laga hadlayo mowlidka faadumiyiinta iyo shiicada oo iyna qaarkooda 6 mowlid dhigo, una dhigo Nabiga NNKH iyo Fadumo Xasan iyo Xuseen iyo Cali Bin Abi Daalib iyo ninka madaxda markaas u ahaa.

Marka culimada aan oo bandhiy dhamaan tood waa suniyiin waana kuwi sharaxay bukhariga qaarkodna mufasirin ah, marka waxa lagu bixiyay sidi dadkaas wanwanaagsan loo qarin laha oo looga dhigi laha wax shiico kaliya ay sameyso maal faro badan ilaa maanta inta diidan ayaa aad u yar yihiin.

Sheikh Yuusuf Alqardawi oo culimada caalamka madax u ah ayaa taagersan kana qeyb galo marka dadka qaar waxa lagu qaldaa waxa ka mid ah ciidihi ayaa la siyaadiyay oo mowliid ayaa lagu soo kordhiyay, dadkaas waxaan leenahay salad ciid oo la dukada ma jirto maalinta mowlidka, Haddii aad ula jeedin farax hala farxo ciida kaliya inta kale lama farxi karo lama dhihin قل بفضل الله وبرحمته فبذلك فاليفرحو MARKA dadka musliminta waxaan ugu baaqeynaa in ay diintooda iyo culimadoda ay bartaan oo an quful lagu xiran.

W/Q: Sheikh Cali Maxamed Nuur