Sidaan ayuu ku dhammaan doonaa dagaalka Sh/hoose: YUUSUF GARAAD

Gobolka Shabeellaha Hoose colaaddiisu wey dhammaan doontaa. Waxay ku dhammaan doontaa in qof kasta oo aan dhiman uu gurigiisa degganaado, beertiisana lahaado.

Waxay ku dhammaan doontaa in qof waliba gurigii uu doono iyo beertii uu doono oo kiro ah oo uu awoodo uu kireysto.

Waxay ku dhammaan doontaa in ninkii ku dhaawacma ama ku naafooba uu isagu isu qabo dhaawiciisa.

Waxay ku dhammaan doontaa in kii qof dila lagu eedeeyo in uu yahay mooryaan gacan-ku-dhiigle ah. Waxay ku dhammaan doontaa in ninna aan la siin shilin uusan shaqeysan.

Waxay ku dhammaan doontaa in aabbaha iyo hooyada uu wiilkoodu ku dhinto asaga oo dagaaalllamaya, in aan cidina u ogeyn abaalna looga hayn doonin.

Waxay ku dhammaan doontaa sida dagaal kasta oo na soo maray uu ku dhammaaday.

Waxay ku dhammaan doontaa xaflad weyn oo niman aan baahi qabin, qofna uga dhiman dagaalka, iyaguna aan ka qeyb gelin, ay bariis, hilib iyo cabitaan baraf leh oo caynba cayn ah ay ka wada dhergaan. Iyaga oo findhicilanaya oo qosqoslaya ay gacanta is geliyaan ayada oo video laga duubayo sawirrana laga qaadayo. Waxay sheegi doonaan in dadku is dilo kana heshiiyo. Labadaan beelood oo is dilay waxay dhihi doonaan waa dad weligoodba saaxiib iyo xataa walaalo ahaan jiray.

Nimanka heshiiska gelaya waxaa soo ururin doona NGO ama niman is habeeyay oo mashruuc ka dhigtay howhaas fulinteeda, oo dowladda ama hey’ado shisheeye lacag badan uga qaatay.

Nimanka heshiiskaas gelayaa, hadday doonaan waxay isa siin doonaan gabdho ay ku xaraarad gooyaan oo ay xaasaskooda ku labaystaan, saddexystaan, afareystaan ama…

Waxay ku dhammaan doontaa in magaalada ay u arrimiyaan Guddoomiye Degmo iyo Taliye Booliis oo ay u badan tahay in ay warmoog ka yihiin dagaalka hadda socda wax dan ahna aanay ka lahayn.

Wiilasha intii ay wax baran lahaayeen dagaalka ka doortay, hadday xabbadda ka badbaadaan waxay ku dambayn doonaan in ay xamaali ka noqdaan beeraha mooska ee gobolka. Haddii kale ay doomaha iyo shabaqa u xafidaan, u nadiifyaan ama u jiidaan doomaha kalluumeysatada. Howshaas waxaa xisaabayayaal iyo Madaxba ka ahaanaya amaba ay lahaan doona wiilasha dagaal-moogga ah ee hadda wax baranaya.

Ragga hadda dagaallamaya iyo qabiillada ay sheeganayaan in ay u dagaallamayaan midna marti loogama ahaan doono Shabeellaha Hoose iyo meel kale toona.

Soomaali iyo ajnebi badan iyo Dowladda ayaa intuba hanti gashaday Gobolka. Mustaqbalkana qaar intaas ka sii badan ayaa imaan doona oo hanti gashan doona.

Malleeshiyada is dileysa marka la isu geeyo waxaa ka tiro badan dadka kale ee Gobolka nabadda ku jooga, Dimuqraaddiyad maalinta la gaaro Gobolka kuwaas ayaa xukumi doona. Wixii Dimuqraaddiyad ka horreeyaana waa ku meel gaar.

Qiyaasta Yusuf-Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid