Sidee ayuu FAHAD Yaasiin kusoo galay siyaasadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya shaqo joojinta ugu sameynayey Taliyihii NISA, Fahad Yaasiin, ayaa waxaa sare u kacay hadal haynta shaqsigaan iyo saameynta dowladda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba, Waxaa si gaar ah isku dul-taagi doona qaabkii uu Fahad ugu soo biirey siyaasadda Soomaaliya.

2012-kii ayaa markii ugu horreysay si toos ah loogu arkay siyaasada, xilligaasi oo uu socday ololaha doorashada Soomaaliya, waxaana la sheega inuu qeyb ka ahaa kooxdii ololaha doorashada musharax Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii dambe ku guuleystay doorashada.

Waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin in uu xilligaas noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, sida la sheegayna xilkaas wuu iska diiday.

2016-kii ayaa sidoo kale waxa uu qeyb ka noqday hormuudka ololaha doorashada madaxweynenimada ee madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kadib guushii doorashadaas waxa Fahad loo dhiibay agaasimaha madaxtooyada.

Ka hor inta uusan noqon Fahad Yaasiin madaxa Hay’adda Sirdoonka waxaa uu ka noqday agaasime ku-xigeen.

Waxaa lagu tiriyaa in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana gacan weyn ku leh go’aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha.

Hase yeeshe waa lagu kala qeybsan yahay kaalinta uu ku leeyahay dowladda, dadka qaar baa u ammaana, halka qaar kalena ay ku dhaliilaan.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu Fahad ku tilmaamay nin wax weyn kusoo kordhiyey dowladnimada Soomaaliya, qeybna ka noqday geedi socodka soo kabashada dalka.

“Waxkasta oo laga tabanayo iyo waxkasta oo lagu tuhunsan yahay ba, waxaa jirta arrin aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay’adeed oo karti badan, wuxuu sameeyay xoghayntii ugu horeesay ee madaxtooyada Somaaliya ee sida xoghayn la yaqaano u shaqeysa tan iyo burburkii iyo taliska sirdoonka sida uu u habeeyay tan iyo intii uu ku biiray”, ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa xilligan wajahaya tuhuno culus oo la xiriira Kiiska Ikraan Tahliil oo galaaftay shaqadiisii NISA, kadib markii ay shaacisay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, oo ayadu iska fogeysay arrintaas.