Xildhibaan Sacdiya ‘oo laba sano gurigeeda u tagi la’ cabsida Farmaajo iyo Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Yasiin oo hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay gurigeedii uga go’day Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis, sida ay sheegtay.

“Laba sano gurigeyga oo Madaxtooyada ku dhax-yaalla waxaan u tagi waayey cabsi aan ka qabo Farmaajo iyo Fahad Yasiin, maxaad u maleyneysaa gabar yar, anigoo xildhibaan ah ayaa banaanka reero kula nool oo gurigeygii tegi waayey,” ayey tiri Xildhibaan Sacdiyo.

Waxay sheegtay in aysan helin ciidan difaaca, isla markaana cabsi ay ka qabto Farmaajo iyo saraakiishaas u tali jirtay NISA ay uga carartay gurigeeda oo ku dhex-yaalla madaxtooyada, kaas oo ugu ijaaran 1,500 oo dollar oo bil kasta ay bixiso, sida ay sheegtay.

“Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis heer waxay gaareen xildhibaanadii ila deganaa ay gaadiidkooda gudaha soo galaan oo loo ogolaado, keygana banaanka lagu celiyo, war reer Muqdishow waxaan idinkaa ogolaaday, Falastiin ayaa la qabsan waayey ee ma Fahad iyo Farmaajaa idin qabsan kara?” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Sacdiyo.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegay inay aaminsan tahay in Ikraan dhimatay, iyadoo sababta ku sheegay in dad badan oo sideeda loo shir qoolay ay ehelkoodu aasteen meydadkooda, balse Ikraan hadii la dilay uusan meydkeedu qarsoomeen.

“Hadey dhimatay Ikraan ileen kuwii horaba waa la aasi jiraye waxaan qabaa nimankaan waa keeni lahaayeen meydkeeda,” ayey tiri.

Sidoo kale Xildhibaan Sacdiyo waxay sheegtay inay aad uga xumaatay dadka baraha bulshada ka soo leh “maxaa Ikraan loogu awrkacsanayaa oo dadkii dhiman jiray ay uga duwan tahay” Iyadoo tusaale u soo qaadatay koox afka soo duubatay oo shalay iska soo duubay banaanbax ay sheegeen inay ku taageerayaan Farmaajo iyo Fahad.

Hoos ka daawo