Sidee ayaa looga fal-celiyay go’aanka R/Wasaare Xamza ee doorashada soo socota?

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee dalka.

Xamza oo Daahfurayay Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran ayaa sheegay in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, isla markaana xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay qabato doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Haddaba sidee looga felceliyay go’aanka ra’iisul wasaare Xamza ee doorashada soo socota?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay hadal ra’iisul wasaaraha iyo suurtagalnimada go’aankiisa.

Ismaaciil Maxamed “Alaabtaan waa tii Kheyre iyo Farmaajo Ummada ku seexi jireen Teendhada waa lama huraan”.

Aweys Sheekh Cabdiraxmaan “Waa ballan qaad taarikh ah Xukuumadda DanQaran ee hoggamiyo PM Xamza way ku mahadsantahay in ay shacabka awoodda ku celiyaan”.

Maxamed Cabdiraxmaan “Ar u fiirso mudane ra’iisul wasaare waa hubaa in Teendhadoo la Update gareeyay loo laaban doonee markaan qiimeeyo sidaad howsha u wadaan ee yaanu hadal idinka tagin”.

Abshir Xasan Maxamed “Wax aadan waxba ka bedeli karin laguma indho adeego Ra’iisul wasaare”.

Cabdifitaax Ibraahim “War cad waaye hadalkaas Xamza Cabdi Barre hadal aqoon waye oo waayo arag ah”.

Cali Muumin Ismaaciil “Teendhadu siyaasad iyo istaraatijiyad in looga gudbiyo wadanka ayee rabtaa midaasna kuwo ifafaalaheedii haya ma tihidin”.