Sidee ayaa looga falceliyay heshiiska madaxda Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxda sare ee maamul goboleedka Puntland ayaa xalay heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada maamulkaasi, kadib kulan ay isugu yimaadeen Madaxweyne Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash iyo Gudddoomiyaha Baarlamanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Saddexda mas’uul ayaa si wadajir ah u qaabilay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada oo uu dhowaan magacaabay Saciid Deni, waxayna isku raaciyeen in sidiisa loo daayo, si loo guda galo xulista xildhibaanada cusub iyo arrimaha kale ee doorashada.

Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraacii uu ku yimid Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December.

Haddaba sidee looga falceliyay heshiiska ay doorashada ka gaareen madaxda Puntland?

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay xalka laga gaaray doorashada, ayaga oo soo dhoweeyay heshiiska madaxda Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdirashiid Gurxan oo kamid ah dadka ka hadlay heshiiskan ayaa soo dhoweeyay wuxuuna yiri “Waa arrin la wada sugayay saan camal inay dhacdo”.

Jibriil Cabdullaahi ayaa falcelintiisa ku yiri “Awalba waxiina filim annaga noo jileysaan ayey ahaayeen”.

Cabdulqaadir Cali ayaa isuguna yiri “Masha Allah dalku doorasha xasiloon buu u jihaystay. Xadaarad!”.

Seynab Maxamed Cali oo kamid ah gabdhaha ka falceliyay xalka la gaaray ayaa tiri “Biyo meel godan bay isugu yimaadaan”.

Maxamed Cabdi ayaa ku jawaabay “Heshiis waa wax wanaagsan, waana ku mahadsan tihiin in khilaafkii halkaas kusoo dhamaaday, deegaankuna doorasho laysla ogol yahay u jihaystay”.

Garaad Xirsi ayaa dhankiisa yiri “Abwaanka markii hool kii laga soo qufushay miyuu wadahadal door-biday?”

Xaawo Deggan ayaa iyaduna tiri “Maasha allah guul iyo gobonimo Alle hanoo daayo madaxdeenna”.