Sidee u socdaan howlaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkey (Daawo Sawirro)

Xili Safaarada Soomaaliya ee Turkiga ay aad u laba jibaartay  dadaalada iyo garab istaaga Somalida ku nool halkaas, ayaa waxaa meesha ka muuqato in is badal la taaban karo ay samaysay safaarada Somalida ee Dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas.

Somalida halkaas dagan ayaa aad u amaanay Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas oo ah nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas dagan ayaa sheegtay in howlaha safaarada ay aad u soo hagaagaysay labadii sanao ee la soo dhaafay.

Bishaar Ugaas oo ah Qunsulka safaarada horayna u soo ahaan jiray Xildhibaan ka tirsan baarlamaankii hore ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta Safaarada Somalida ee Halkaasi dadka soomaaliyeed ugu shaqeeyo.

Maamo xaliimo oo ka mid ah Somalida ku nool halkaas ayaa aad u amaantay Howlha safaarada, waxayna sheegtay in ay halkaas u joogto Canug yar oo ka Xanuunsan waxayna amaan kala Dul dhacday safaarada Soomaaliya ee Turkiga, ayada oo ku amaantay in ay tahay mid Xili kasta garab taagan Somalida halkaas dagam.

“aniga waxaan joogaa halkaan Bil waxaan ku hayaa gabar aan ayeeyo u ahay oo Xanuunsan, ispitaal ku yaala Ankara ayaan joogaa, waxaa Xiriir wanaagsan la leeyahay safaarada Somaliya ee Turkiga, waxaana Halkaan igu soo booqday Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas oo ah nin dhalinyaro “ayay tiri  Mamo  xaliimo  oo u Waramayasay Bogan.

Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas  ayaa aad loogu amaanay dhex galida Bulshada Somalida gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed Jaamacadaha halkaas ka dhigto oo safaarada ay Xili kasta la yeelato kulamo ku aadan iyo waxa ay u baahan yihiin.

Sidoo kale Somalida Dagan halkaaas ayaa Xili kasta waxay Xiriir toos ah iyo booqasho ku tagaan safaarada Somaliya ee Turkiga, waxaana halkaas ku soo dhaweeya Mas’uuliyiinta Safaarada oo uu ka mid yahay  Qunsul Bishaar iyo Safiirka.

dhinaca kale waxaa aad loogu amaanay Qunsulka safaarada Somaliya ee Turkiga ahna Xoh-hayaha safaarada Bishaar ugaas in uu somalida ugu Tago Goobaha caafimaadka, si uu u garab istaago ama uu kala hadlo maamulayaasha xarumaha caafimaad.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Wariyaheena magaalada Nairobi
Tell +254-711830393
Email-cabdixakiin441@hotmail.com