Ahlu Suna oo wada qorshe ay ku shaacineyso xildhibaano

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug ayaa ka sii dareysa marba marka ka dambeyso taas oo timid, kadib is faham waa ka dhashay doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb oo ah halka saldhigga u ah dhismaha Galmudug ayaa sheegaya in Ahlu Sunna Wajamaaca ay abaabul xoogan ka wado magaaladaasi.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay hataan xarunta INJI ka wado qorshe ay ku dooneyso inay ku dhawaaqdo xildhibaano cusub oo ay soo qoratay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in isla maanta xildhibaanadaasi ay dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeen, kadibna ay guda geli doonaan howlaha kale ee doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online xildhibaanada la shaacin doono ayaa u badan xubnihii ku jiray baarlamaankii hore ee Galmudug ee ku yimid heshiiskii Ahlu Sunna.

Arrintaan ayaa uga sii dareysa xaaladda siyaasadeed ee Galmudug oo hadda saddex dhinac noqotay, iyadoo khilaafku uu sii xoogeysanayo, haddii aan xal dhab la helin.

Dowladda federaalka, Xaaf oo dhinac ah iyo Ahlu Sunna ayaa ah saddexda dhinac ee isku hardinaya doorashada Galmudug iyo dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay.

Dhinaca kale waxaa jira cabasho ka soo yeereyso musharraxiinta madaxweynaha Galmudug, gaar ahaan afarta ugu saameynta badan, kuwaas oo qaadacay doorashada, islamarkaana sheegay in aysan ka qeyb geli doonin inta la xalinayo cabashadooda.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse guddiga doorashada ee baarlamaanka labaad ee Galmudug oo muddo 24 saac ku daray is diiwaan gelinta musharraxiina ayaa sheegay in markaan ay tahay muddo kordhintii u dambeysay, islamarkaana la guda geli doono doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo dhaceysa 30-ka bishaan ee 2020-ka.