Sidee warbaahinta dalka u saameynayaa amarka culus ee kasoo baxay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, Ustaad Faarax Cumar Nuur oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa ka horyimid amarka ka soo baxay dowladda ee lagu joojiyey wararka la xiriira Al-Shabaab.

Faarax Cumar ayaa shaaca ka qaaday in go’aankan aysan ku shaqeyn karin warbaahinta madaxa bannaan, maadaama uu yahay mid hal dhinac ah, isaga oo sheegay in uu saameyn ku yeelanayo guud ahaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya baahinta wararka.

“Dabcan saameyn waa ku yeelanayaa wuxuuna ugu yeelanayaa Wariyeyaasha maalin walba ayey howlgalaan, maalin walba ayey dadka war siiyaan marka waa ayadoo war ha bixina la yiraahdo ee guryihiina jooga,” ayuu yiri Ustaad Faarax Cumar Nuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah looga baahan yahay inay sharraxaad ka bixiso amarkan, si loo fahmo meelaha uu taabanayo go’aankeeda.

“Sababta waxaa waayey sharraxaad ma raacsana amarkaan waa la dul-maray uun, amaro marka lasoo saaro waxay u baahan yihiin sharaxaad,” ayuu sii raaciyey.

Xoghayaha Ururka FESOJ oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray dhammaan bahda suxufiyiinta, wuxuuna ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, maadaama lagu jiro xilli adag.

“Waa in Wariyeyaasha arrintaan ay dabagalaan oo ay hubiyaan oo waxa lagu qabsan karo ay ogaadaan, taxadar badana ay yeeshaan,” ayuu markale yiri xoghayuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay iska wareysan doonaan, isla-markaana ay madaxda dowladda Soomaaliya kala shiri doonaan xaaladda soo korortay.