Hagrashada qabiilo badan oo fursad siisay Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Dadka ku nool gobolka Hiiraan ayaa culeyskii ugu badnaa kala kulmaya kooxda Al-Shabaab, maadaama ay kala hor tageen kacdoon adag iyo dagaal, kooxda ayaa xoogeeda isugu geysay Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe oo ku sugan Hiiraan ayaa u waramay VOA, isagoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay culeys badan soo saartay gobolka Hiiraan, maadaama aan dagaal ka heysan gobollada kale.

“Inta badan Al-Shabaab waxay nooga imaanayaan dhanka gobolka Shabeellada Dhexe, hadaan gobolkaas kooxda looga kicina howlgalku siima soca karo,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale Xildhibaanka oo ka hadlay dhanka gobolka Galgaduud oo Al-Shabaab dhul badan ay ka joogaan ayaa yiri, “Galgaduud xoog ayey u joogaan Al-Shabaab, oo waa naga soo weeraraan ama waa u baxsadaan, marka hadaan la helin howlgalo kale oo ka bilowday gobollada deriska ah culeys badan ayaa nooga imaana kooxda.”

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ka geysatay howlgalka Hiiraan, “Maamulka gobolka, kan HirShabeelle iyo dowladda dhexe ayaa gacan ka geystay dagaalka Hiiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

“Waxaa noo qorsheysan in howlgalka lagu baahiyo galbeedka Hiiraan. Galgaduud dhaqdhaqaaqyo aan badneyn ayaa jira oo heerkii la rabay ma gaarin, waxaan dalbaneynaa in gobollada dalka laga bilaabo howlgalka, si Shabaabku u awoodu waayo in hal meel uu culeyska isugu geeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Sanbaloolshe.

Korneyl Macow oo isna VOA la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab dagaalyahanada ugu badan ay ka joogaan gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, sidoo kale wuxuu sheegay in kooxdu ay sare u qaaday sirdoonkeeda gudaha Muqdisho, si xogta abaabulka socda ay u hesho.