Sirta ku duugan khilaafka labada aqal ee BF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu dhigayo Qodobka 55aad ee Dastuurka kmg ah oo la meelmariyey 2012 golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay ka kooban yihiin 2 gole oo kala ah Golaha shacabka iyo golaha aqalka sare, waxa ay wadagaan xilal dastuuri ah waxaana jira xilal gole walba u gaar ah kuwaas oo uu u gudanayo si gooni ah.

Haddaba waxa taagan muran iyo dood mararka qaarkood soo gaarta dadweynaha iyo Warbaahinta taas oo aan weli xal laga gaarin, sidaas awgeed muranka labada aqal waxa uu dib u dhigay shaqadii xeer-dejinta iyo hagaajinta dowladnimada Soomaaliyeed, sidaas oo kalana waxa uu dhantaalay wada-shaqeyntii golayaasha xeerdejinta ee Baarlamaanka.

Sidii uu khilaafka labada gole u aloosmay waxaa hoos u dhacay xiriirka iyo wadashaqeynta golayaasha Baarlamaanka oo muhiim u ah in Soomaaliya kabaxdo gaabiska kajira xagga xeerarka iyo xisaabinta laanta fulinta, waxa kale oo hakad kujira kaddoodidda iyo ansixinta xeerar horyaal Baarlamanaka, tusaale ahaan aqalka sare waxaa horyaal xeerar kudhow 30 xeer.

Sooyaalka Khilaafka

Oktober-2018, hadal uu soosaaray guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo kusaabsanaa khilaafka aan weli xalka loo helin ee u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo xukuumadda dhexe ayuu ku sheegay in madaxeynaha iyo guud ahaan laanta fulinta looga fadhiyo in ay muddo 3 maalin ah uga jawaabaan cabashada ay aqalka sare u gudbiyeen dowlad-goboleedyadu, qoraalkaasi waxa uu guddoomiyuhu u sheegay in haddii xukuumaddu uga jawaabi weyso  tabashooyinka dowlad-goboleedyada muddada loo qabtay uu aqalka sare gaari doono go’aan cad kasoosaari doono khilaafskaas, hadalkaas guddoomiye Cabdi Xaashi meelna ma gaarin illaa haddana go’aankii uu guddoomiyugu sheegay sooma bixin haddii uu soo baxyna lama shaacin.

Horraantii January-2019 guddiga joogtada ah ee aqalka sare ayaa soosaaray qoraalka leh tixraaca GAS/B-10/KF4/04/2019 kuna taariikheysan 1-Janaayo-2019 kaas oo uu ku shaaciyey in uusan lashaqayn Karin golaha shacabka isaga oo dalbaday in madaxweynuhu dhexgalo khilaafka labada gole si xal loo gaaro, hayeeshee ma jirto illaa hadda Jawaab u soo baxday sidii qoraalkaasi uga soo baxay aqalka sare

Mar kale golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu soosaaray horraantii February-2019 war saxaafadeed oo ku diiday shirkii London ee looga hadlayey kheyraadka Soomaaliya kaas oo ay xukuumadda Soomaaliya qayb iyo kalian weyn ku lahayd, hayeeshee warsaxaafadeedkaasi ma dhaafin xaashidii uu ku soo baxay balse waxa uu muujiyey halka ay gaarsiisan tahay wadashaqeynta xukuumadda iyo golaha Aqalka sare

Haddaba khilaafka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ma Dastuuri baa mise waa awood qaybsi?, Maqaalkan ayaa si faahfaahsan u koobaya sababaha iyo waxa keenay in labada gole ay ku jiraan muran iyo is eedeyn joogto ah.

Dabayaaqadii 2016 iyo horraantii 2017 xilligii ay socotay doorashada xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa taagnaa jahawareer kusaabsan sida xilalka aqalka sare  oo kusoo kordhay hannaanka awood qaybsiga ee Soomaaliya loo wadaagi doono, xubno kujiray guddoonka golaha shacabka iyo madaxda dowlad-goboleedyada ayaa u arkayey dhismaha aqalka sare in uu yahay mid qalqalinaya awood qaybsiga beelaha ee 4.5, waxa ay ka welwel kaqabeen in soo bixidda laba guddoon oo Baarlamaanku yeesho ay wiiqi doonto awoodda iyo mansabka siyaasadeed ee guddoonka golaha shacabka.

Madaxda dowlad-goboleedyada  iyo madax katirsan guddoonka golaha shacabka ayaa cabashadaas iyo welwelkaas muujiyey waxaana kamid ahaa guddoomiyihii hore ee golaha shacabka xildhibaan Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka.

Siyaasiyiinta iyo madaxda Koofurgalbeed waxa ay la noqotay in xilka guddoomiyaha golaha shacabka oo ay ku fadhiyeen muddo dheer rag kasoo jeeda gobolkaas la daciifinayo sidaas awgeedna ay ku tahay meel kadhac habka awood qaybsiga dalka, iyaga oo taageero u muujiyey Jawaari ayay culeys saareen sidii xukuumadda iyo madaxweynaha looga dhaadhicin lahaa in aqalka sare uusan ku dhisnayn habka awood qaybsiga beelaha sidaas awgeedna uusan mudnayn in uu kaqaybgalo go’aanada waaweyn ee dalka.

Taladaasi waxa ay taageero fiican  kaheshay Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka oo qudhiisu dareemaya in aqalka sare uu soo kordhiyey xil kasarreeya kiisa oo uu ku fadhiyo nin ay  isku saami yihiin oo lagayaabo in wax laga weydiiyo metelaadda iyo talada beesha direed.

Iyaga oo halkaas ka duulaya ayaa Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sh. Cismaan jawaari & Mahad Cabdalla Cawad oo wadaqaba dareenkaas ogna in Aqalka sare yahay dastuuri ayay wada sameeyeen olole kadhan ah aqalka sare iyo awoodihiisa dhinaca kaqaybgalka go’aanada waaweyn ee dalka, taasina waxa ay sababtay in khilaafka labada gole uu bannanaka u soo baxo iyada oo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi uu dhowr jeer dalbaday in madaxweynuhu xalka qayb ka noqodo si arrinta xal loogu raadiyo wadashaqeynta labada golena  u suuragasho balse weli waxa taagan khilaafka Baarlamaanka.

Waxaa jirta xog sheegeysa in aan muhiimad gaar ah la siin xeerka aan qornayn ee 4.5  xilligii ay socotay  doorashadii guddoomiyaha aqalka sare, iyada oo haddii xeerkaas la qiimeynayo ay ahayd in beesha 5aad la siiyo kursiga guddoomiyaha aqalka sare, taas qudheedana waxa saameyn kulahaa guddoonka aqalka sare oo beesha shanaad ku lahayd xubin sare

Marka si fiican loogu dhabba-galo khilaafka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed waa khilaaf kusaabsan awood qaybsi iyo welwel salka ku haya xilalka kudhisan xeerka 4.5 oo ay dowladda Soomaaliyeed inteeda badan ku dhisan tahay

Haddaba BFS waa laba Gole oo Dastuurku xeeriyey inta Nidaamka Federaalka ah uu Soomaaliya Ka jirana waa lagama maarmaan Golaha Aqalka Sare BFS oo metela dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe sidaas darteed Khilaafka u dhexeeya labada aqal ee Baarlamaanku waxa uu haystaa fursad fiican oo lagu xallin karo maadaama hadda ay socoto Dib u eegistii Dastuurka  taas oo sahli karta in fiican loo qeexo Awoodaha 2da Gole BFS.

Halkan ka aqri macluumaad dheeri ah oo kusaabsan nidaamka xeerdejinta laba gole

Xeer-dejinta hannaanka labada gole (Bicameral system)

Xigasho Mustaqbal