Sirtii lagu soo helay weerarkii ay FBI-da ku qaaday guriga Trump oo la shaaciyey

Washington (Caasimada Online) – Weerarkii yaabka lahaa ee FBI-da ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee gobalka Florida, waxaa uu ka dhashay dib-u-eegis lagu sameeyay sanaadiiq 15 gaaraya oo ay ku jiraan dukumentiyo xasaasi ah. 

Waxaa ku jira macluumaad iyo xog sir ah oo ay kamid yihiin shaqsiyaad ilaha sirdoonka katirsan. 

FBI-da, oo adeegsaneysa waraaqaha sharciga ee loogu qiil dayey weerarkii 8-dii Ogosto ee Mar-a-Lago oo ah halkii uu Donald Trump ka dhigtay madaxtooyadiisa muddadii uu xukunka hayay, ayaa sheegtay inay baaris ku sameynayso sababta loo qaaday iyo habraacii loo maray keydinta aan habboonayn ee macluumaadka sirta ah iyo ‘qarinta sharci-darrada ah ee diiwaannada dawladda.’ Redact

Dokumentiyasa FBI-da oo si weyn loo soo koobay ayaa Jimcihii lasii daayay kadib amar uu bixiyey garsoore ku sugan gobolka Florida.

Weerarka aan caadiga ah ee guriga madaxweynihii hore lagu qaaday ayaa huriyey dab siyaasadeed oo ka taagan Maraykanka ayada oo si weyn loogu kala qeybsamay.

Donald Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, islamarkaana darsaya inuu tartan kale u galo Aqalka Cad sannadka 2024-ka, ayaa Waaxda Cadaaladda oo hoos tagta Madaxweyne Joe Biden ku eedeeyay inay sameysay ‘ugaarsi indha-sarcaad ah.’ Wuxuuna yiri; “xaakinku waxay ahayd inuusan weligiis oggolaan in gurigayga lasoo galo.”

Sida ku cad dokumentiga, FBI-da waxay furtay baaritaanka kadib markii Maamulka Kaydka iyo Diiwaanka Qaranka (NARA) uu ogaaday bishii Janayao 2022 15 sanduuq oo diiwaanno ah oo si khaldan looga saaray Aqalka Cad loona qaaday Mar-a-Lago.

FBI-da waxay sheegtay in xogta difaaca qaranka ee xasaasiga ah ay kamid tahay diiwaanka la helay oo ay ku jiraan 67 dukuminti oo lagu calaamadeeyay qarsoodi; waxaa kale oo lifaaqu caddaynaya 92 dukumenti oo sir ah iyo 25 kale oo ah sir culculus. 

Dukumentiyada waxaa kamid ahaa xog sirdoon oo laga helay shaqsiyaad qarsoodi ah, oo ay ka mid yihiin basaasiin ama ‘ilbaadayaal’ iyo xog-bixiyayaal. Xogahan ayaa kamid sirta dowladda ee sida adag loo ilaaliyo. 

“Diiwaanada aadka sirta u ahaa waa la fura, waxaa lagu dhex daray diiwaanno kale oo si aan habbooneyn loo meeleeyey,” sida lagu sheegay warqadda FBI-da. Dukumentiyada qaar ayaa sidoo kale ku jiray kuwo laga dheehan karay qoraallada farta Donald Trump.” 

Bishii Juun, sida ku cad qoraalka FBI-da, Waaxda Caddaaladdu waxay ku wargelisay qareenka Donald Trump inaan loo idmin inuu Mar-a-Lago ku kaydiyo xogo gaar ah. 

Markii ay weerareen dhismaha Trump ee Palm Beach laba bilood kadib, wakiillada FBI-du waxay qabteen dukumentiyo kale oo lagu calaamadiyay xarfaha – ‘sirta sare,’ sir iyo mid lagu kalsoonaan karo.

Warqad uu 25-ka bishii March, 2022 u diray Waaxda Caddaaladda oo ay weheliso dhaar, qareenka Trump ayaa sheegay in xogaha gaarka ay yihiin kuwo si ogaal la’aantooda ah loogu daray sanduuqyada. 

Qareennada dowladda ayaa kasoo horjeestay sii deynta warqadda FBI-da, hayeeshe garsooraha ayaa amar ku bixiyay in la shaaciyo. Waaxda Cadaaladda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay si loo ilaaliyo baaritaanka socda ee ku lugta leh amniga qaranka inaan warqadda la baahin.

Soo koobista dokumentiga 38-ka bog ka kooban waxaa kamid ahaa, tusaale ahaan, meesha laga saaray magacyada wax ay Waaxda Caddaaladdu ku sheegtay inay ahaayeen ‘tiro muhiim ah oo markhaatiyo rayid ah’.

“Haddii aqoonsiga markhaatiga lasoo bandhigo, waxaa loo geysan karaa waxyeello ay kamid yihiin aargoosi, caga-jugleyn, ama handadaad, iyo xataa khataro loo geysto badbaadadooda jireed,” ayay tiri Waaxda Cadaaladda.

Amarka baaritaanka, oo uu si shaqsi ah u ansixiyay Xeer Ilaaliyaha Guud, Merrick Garland, ayaa u fasaxday FBI-da inay baarto “xafiiska 45” – oo tixraac u ah xafiiskii u gaarka ahaa Madaxweynihii 45-aad ee ku yiilay Mar-a-Lago – iyo qolalkiisa kaydka.

Waxay sheegtay in baaritaanku uu la xiriiro ‘si bareer ah u haynta macluumaadka difaaca qaranka,’ oo ah dembi marka loo eego sharciga basaasnimada, iyo suurtagalnimada is-hortaag ka dhan baaritaan federaal.

Marka laga soo tago baaritaannada New York ee ku saabsan hab-dhaqankiisa ganacsi, Trump waxa uu wajahayaa baaritaan sharci oo ku saabsan dadaalkiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii November 2020, iyo weerarkii Janaayo 6, 2021 ay taageerayaashiisu ku qaadeen Aqalka Capitol ee Congress-ka Mareykanka.

Trump ayaa mar labaad oo taariikhi ah waxaa xilka ka xayuubin ku sameeyay Aqalka Congress-ka kadib rabshadihii Capitol. Waxaana lagu eedeeyay inuu kiciyay kacdoon — balse aqalka senate-ka ayaa wax dambi ah ku waayay.