Deni oo laba shardi oo adag hor dhigay Xasan Sheekh iyo wararkii ugu dambeeyey

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya inay halkaas ka socdaan kulamo xasaasi ah uu dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulamada oo ah mid albaabada u xiran yihiin islamarkaana socda in ka badan 24 saac oo xiriir ah, ayaa waxaa naga soo gaaray xog ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha looga hadlay.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diiday in kulanka ay qeyb ka noqdaan wafdigii la socday madaxweynaha, wuxuuna taas badalkeeda dalbaday inuu kulanka ahaado mid labadooda u gaar ah.

Madaxweyne Deni ayaa xataa diiday inuu kulanka qeyb ka noqdo wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, oo deegaan ahaan Puntland kasoo jeedo, balse ay horey ugu loolameen siyaasadda xisbiyada Puntland.

Sidoo kale, xog aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu dalbaday in madaxweyne Xasan Sheekh oo wax kama jiraan kasoo qaado dhammaan xeerarkii ay horey u ansixisay dowladda hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida xeerka batroolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aqbalay codsiga Saciid Deni ee ah inuu kulanka noqdo mid labadooda u gaar ah balse illaa hadda lama oga go’aanka uu ka qaatay arrinta la xiriirta in meesha laga saaro xeerarkii ay ansixisay dowladdii hore.

Safarka madaxweynaha oo qorshu ahaa inuu Maanta soo gabagaboo ayaa waxaa laga yaabaa inuu qaato waqti dheeri ah maadaama ay wada-hadalada noqdeen kuwa adag.

Dhanka kale, xildhibaan ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu diiday in madaxweyne Xasan Sheikh uu  kulmo bulshada rayidka.