Siyaasiyiinta iyo saraakiisha ‘shirqoolay’ ciidamada qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa kashifay qaar ka mida sababihii keenay dib u gurashada ciidamada dowladda ee kasoo baxay degaanadii ay hore u qabsadeen qaarkood ee gobolka Galgaduud.

Jeneraalka, oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa saraakiisha degaanada dagaalku ka socdo tegay, ayaa sheegay in arrimo farsamo iyo qaar siyaasdeed ay keeneen in ciidamada ay ka baxeen degaano dhowr ah.

Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in la waayey meel saadkii loo mariyo ciidamadii ku sugnaa Cowsweyne, oo Al-Shabaab ay ilaa 5 dhinac ka go’doomiyeen ciidankaasi, lana gaarsiin waayey gurmadkii ay u baahnaayeen.

“Waxaa dhahay inay daahaan ciidamadii ku daba jiray, khaladka dhacay wuxuu ahaa inaan laga fekerin arrintaas… wixii la sheego wax baa ka jira, khilaafka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha xoogga dalka, xilliyada dagaalka duruufo jira ayaa keeni kara in la isugu dhaco, taasoo u baahan xal ka yimaada Golaha wasiirada iyo Madaxtooyada,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare oo wareysi siiyay VOA.

Wuxuu ka hadlay siyaasiyiin tashwiish ku furay ciidamada “Siyaasiyiin badan oo waxaa jira ku xiran saraakiisha, waxaan jira tuhmo weyn oo saraakiishaasi lagula xiriiray looguna sheegay inaysan dagaalamin, waxaa kaloo jira saraakiil aan gurman, kuwa ka baxay aagag lagu ogaa sabab la’aan,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

Waxa uu si cad u sheegay in la ogaaday dhibaatadii jirtay sida siyaasiyiintii ciidamada la xiriiray iyo saraakiisha khaladaadka sameeyay, lagana warqabo.

Hadalka Tuuryare ayaa imanaya, ayada oo madaxweynihii hore ee  maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare uu horey ugu eedeeyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne.

Waxa uu sheegay in wasiirka uu ciidanka shirqool dhexda ka galiyay, kadib markii uu amaro qaldan uu bixiyay, isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, taasi oo keentay in halkaasi lagu laayo ciidamo iyo saraakiil, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri Waare.

“Wasiirka waxa uu sameyna in taliyihii ciidanka amar uu bixiyay uu dhaho beentiis waaye, wuxuu sameynayaa madaxweynaha inuu been farriimo oo uu yiraahdo madaxweynaha ayaa sidaas yiri amarkiisa waaye. Wasiirka amarro uu bixiyay, kuwa qaldan oo baxay inuu joojiyo aheyd iyo xog qaldan oo madaxweynaha siiyay ayaa Xasan Tuure iyo ciidankii Danab ku baaba’een Galcad.”