DF Soomaaliya oo adeegsan rabta xeeladdii Al-Shabaab looga saaray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay socdaan howl-gallada lagu soo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan, ayaa VOA u sheegay in beddelka xeeladda dagaal ay timid kadib weerarkii 26-kii bishii hore Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiggii ciidamada ee Cowswayne.

Dawladda ayaa weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, hase yeeshee saraakiisha amniga ee VOA la hadlah ayaa waxay aamin yihiin in lagu dilay tobannaan, lagu dhaawacay in ka badan 160, halka qaarna la la’yahay.

Xeeladda cusub ee haatan dowladda ay ku badeshay tii hore ayay saraakiishu ku sheegeen in ay tahay in howl-galada ay hoggaamin doonaan ciidanka deegaanka, islamarkaana ciidanka xoogga dalka ay noqon doonaan kuwa kaalmeyn doona kaliya ciidamada deegaanka.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in dowladda ay qorsheysay in ciidanka deegaanka ay siiso gunno ay ku biishaan qoysaskooda inta uu socdo howl-galka, halka markii hore dowladda ay ka heli jireen rasaas oo kaliya.

Dawladda ayaa horey ciidamada degaanka usiin jirtay hub, iyo in dhaawacooda la qaado.

Qorsha cusub ee dowladda ayaa ah in dadka deegaanku ay hoggaamiyaan dagaalka, taasi oo la mid ah dibna ugu noqonaysa qorshihii Al-Shabaab looga saaray inta badan gobolka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe laga soo bilaabo bishii August ee sannadkii hore.

Si kastaba, Xeeladaan cusub ee dowladda ay adeegsan doonto ayaa lagu wadaa in kaalin muuqata ka qaadato dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo kan xigga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.