Siyaasiyin walaac horleh ka muujiyey doorashada Bosaaso ka dhaceysa

Boosaaso (Caasimada Online) – Siyaasiin ay ka mid yihiin xildhibaanno ku jiray baarlamaanka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhamaaday iyo golaha wasiirrada oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa walaac hor leh ka muujiyay doorashada kuraalta golaha shacabka ee taal magaaladaasi.

Siyaasiintan oo u badan wasiiro heer federaal ah oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in mad-madow badan uu ku jiro qaabka la doonayo in lagu qabto doorashadaasi isla markaana la baalmaray habkii saxda ahaa ee ay ahayd in loo maro.

Siyaasiyiintaan ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku eedeeyey inuu dhinac marayo habraacyada doorashada.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey kusiga Wasiir Xayir u wareejiyey dhanka Aqalka Sare, wuxuuna hadda isku dayayaa in Beelaha la leh kursiga Aqalka Hoose uu ka dhaadhiciyo inay u ogolaadaan kursigaan.

Wasiirada shirka jaraa’id qabtay ayaa waxaa kamid ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada Kuraasta taalo Magaalada Boosaaso, wuxuuna Deni wadaa olole uu kuraastaas ugu soo saaranayo dad isaga gacan saar la leh.