25.7 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Somalia ma madax banaan tahay?: Xildhibaano Amisom ka sheegay arrin shaki badan abuurtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatooyinka isdaba jooga ee ciidamada AMISOM ay ka geysteen dalka Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay.

Gudiga arimaha gudaha iyo amniga baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay dhibaatooyinka ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee qeybta ka ah gudiga amniga iyo arimaha gudaha ee baarlamaanka ayaa sheegay iney waayeen shaqsiyaad ay kaga dacwoodaan AMISOM.

Wuxuu sheegay in saraakiisha AMISOM ay adag tahay in lala kulmo oo ay isku mashquuliyaan howlo kale si aan loola xisaabtamin, sidaasi daraadeedna aysan jirin goob ay kala xisaabtamaan AMISOM.

Dorraad ayeey aheyd markii gaari ay wateen ciidamada Amisom qof shacab ah uu ku jiiray Isgoyska KM4 kadibna uu isku dayay inuu gaarigaasi cararo, balse Dad shacab ah ay is hor istaag ku sameeyeen.

In ciidamo shisheeye oo dalka ku saabsan ay wixii doonaan sameeyaan, islamarkaana aysan jirin cid la hadli karta, waxa ay shaki gelineysaa madax banaanida dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News