Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada hargeysa ee caasimada Somaliland waxa maanta soo gaadhay wefdi balaadhan oo hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibeda dalka Eritrea Mudane Cusmaan Saalax Maxamed.
Wefdigan ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, kulankaasi oo ka dhacay Xafiiska Madaxweynaha ee Madaxtooyada.
Kulankan ayaa markuu soo idlaaday waxa ka warbixiyey oo la hadlay warbaahinta Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Yaasiin Faratoon iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Eritrea Cismaan Saalax.
“Halkan maanta waxa rabnaa in aan idiin sheegno, waxa aanu halkan kusoo dhoweynay oo Madaxweynaha himika kasoo baxay Wefdi heer sarre ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka Eritrea iyo la taliyaha Madaxweynaha Eritrea ayaa halkan maanta noogu imid, waxa ay u yimaadeen inay iskaashiga iyo wada-xidhiidhka dalalka Geeska Afrika gaar ahaan labadaa dal ee Eritrea iyo Somaliland ay ka shaqeeyan oo ay xoojiyaan, sida Arrimaha looga wada hadli lahaa ee aara iyo fikir la isku dhaafsan lahaa ayey u yimaadeen, si wanaagsan ayaa inaguna xagayaga u soo dhoweynay, waana arrimo loo baahna, si wanaagsan baana u wada hadlanay” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland oo ka hadlayay arrimaha ay kawada hadleen wefdigan ka socday dalka Eritrea.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka Eritrea ayaa isagna dhankiisa waxa uu ka waramay kulanka uu la qaatay Madaxweyne Biixi iyo ujeedka safarkooga ay ku yimaaden Somaliland.
Isagoo ka hadlaya arrimahas waxa uu yidhi: “Wefdigayaga kasocda dalka Eritrea waxaa nasoo direy Madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si aannu waxbadan uga ogaanno xaalada Somaliland, himikana waxa la gaadhay wakhtigii aanu xaalada Somaliland aanu qiimeyn lahayn, Madaxweynaha waanu la kulanay oo warbixin xiiso leh buu nasiiyey, waxana uu noo sharaxay xaaladdaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwo dhaqaale ee dalka, himikana waxaanu noqonaynaa anaga oo Madaxweynahayagii u sidna xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, tanina noqon mayso booqashadii ugu dambeysay ee waxa ay noqon doonta mid furantay oo waxa aanu rajeynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doono.”
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com