Somaliland iyo Ethiopia oo HESHIIS afar qodob ah ka gaaray XIISAD taagneyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland iyo Ethiopia ayaa waxay shalay magaalada Hargeysa ku saxiixdeen heshiis cusub, kaasi oo meesha ka saaray xiisada qaadka oo maalmihii dambe taagneyd.

Ganacsatada Qaadka ee Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqay in qaadka Ethiopia ay joojinayaan, kadib markii ay cabasho ka muujiyeen lacago dheeri ah oo lagu kordhiyay, taasi oo uu meesha ka saaray heshiiska cusub.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib markii Wafdi heer sare ah oo ay wasiiro ku jiraan oo ka socda dowladda Ethiopia ay shalay gaareen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wafdiga Ethiopia ayaa intii ay joogeen Hargeysa waxay la kulmeen madaxda maamulka Somaliland, halkaasi oo labada dhinac ay ku kala saxiixdeen heshiiyo cusub oo kor u qaadaya xiriirka labada dhinac iyo danaha ka dhaxeeya.

Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr Ciise Kayd iyo La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Ridwaan Xuseen.

Qoddobada heshiiska ayaa u dhigna sidan;

1. Somaliland iyo Ethiopia waxay aqoonsadeen ahmiyada ay leedahay xiriirkii dheera ee soo jireenka ahaa ee labada dhinac ka dhaxeeyay.

2. In maanta wixii ka dambeeya (7/7/2022) dib loogu celiyo qiimihii qaadka iyo khudaarta ee hore loo dajiyay.

3. In la sameeyo guddi farsamo oo ka hortagta dhibaatooyinka noocaas oo kale, sameysana daraasad ka hortagaysa oo xal loogu helo

4. In lasii wado heshiisyadii hore si loo dhameeyo kuwaasi kala ahaa; Baayac-mushtarka, Gaadiidka iyo Isku-socodka iyo horumarinta dekedda Berbera.