Somaliland oo farriin yaab leh u dirtay caalamka kadib go’aankii DF ee heshiiska

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta beesha caalamka u dirtay farriin ay ku sheegayso in ay xor u tahay galista heshiis lamid ah kii Isniintii, ee Muuse Biixi uu Itoobiya u saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Somaliland ayaa sidoo kale waxay ugu baaqday caalamka in ay u aqoonsadaan dal ka madax-banaan Soomaaliya, “Waxaa dowladaha caalamka ugu baaqaynaa in ay ku dhiirradaan oo ay sqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, si la mid ah sida ay yeeshay Jamhuuriyadda Federal-ka Ethiopia.”

Bayaankan oo kasoo baxay Golaha Wasiirada Somaliland aya sidoo kale waxa lagu yiri “Aqoonsiga caalamiga ah ee ay Somaliland ka heshay Itoobiya waxa uu golaha wasiirradu u arkaa inay guud ahaan Afrika iyo geeska Afrika ba ay ugu jirto dan weyn mid istaraatiijiyadeed iyo mid nabadgelyoba.”

Farriinta ay caalamka u dirtay Somaliland ayaa waxa kale oo si weyn loogu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay jabisay heshiisyadii hore u gaareen labada dhinac, oo ugu dambeeyo kii Jabuuti.

“Golaha Wasiirada Somaliland waxay bulshada caalamka u cadaynayaan in dhawaaqyada ka imanaya Soomaaliya uu ka soo hor jeedo dhammaan heshiisyadii ay hore u gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya ee la xidhiidhay Wada-hadaladii kala ahaa: Ankara April 2012 illaa Jabuuti December 2023. Kuwaas oo dhammaantood dhigayey in aan la carqaladayn heshiisyada, maalgashiga, horumarka dhaqaale iyo deeqaha caalamiga ah.”

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa jiritaanka heshiiskii Isniintii ay Addis Ababa ku gaaren madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, xilli ay burisay dowladda federaalka, uuna baarlamaanka soo saaray xeer waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiskaasi.