Sawirro: Isku soo bax-dadweyne oo ka dhan ah Itoobiya oo caawa ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda isku soo baxyo dadweyne oo gil-gilay caasimadda iyo bandhig faneed ay qabanayaan fanaaniin waaweyn oo dadka guubaabinaya.

Isku soo baxa caawa ka socda Muqdisho waxaa looga soo hor jeeda damaca guracan ee dowladda Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, waxayna dadku tuban yihiin, isgoysyada Taleex, KM4 ilaa Soobe.

Farxiyo Kabayare iyo fanaaniin kale ayaa caawa bartamaha magaalada Muqdisho ku qabanaya bandhig faneed weyn oo lagu guubaabinayo dadka, loogana soo hor-jeedi damaca Itoobiya.

Ciidamada ammaanka ayaa sugaya amniga dadweynaha caawa isugu soo baxay bartamaha Muqdisho, waxaana aad u kacsan dareenka dadweyne ee ka dhashay heshiiskii ay Somaliland la gashay Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaan shalay ka istaagtay mowqif adag, waxay u yeeratay safiirkii ka joogay Addis Ababa, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad qaran ka hor jeediyey baarlamaanka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shalay soo bilowday xiriiro caalami ah, si ay taageero ugu hesho mowqifkeeda ku aadan diidmada damaca Itoobiya, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriiray madaxda dalal badan.

Sidoo kale ururrada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ayaa si cad u garab istaagay dowladda Soomaaliya, iyagoo Itoobiya uga digay damaca ay ku waadineyso badda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa ka xumaatay, raali-gelin deg deg ahna ka dalbatay Agaasimaha guud ee urur goboleedka IGAD, kadib markii uu soo saaray qoraal uu labada dal ugu baaqayo inay xaaladda qaboojiyaan, isagoo aan soo hadal qaadin heshiiska ay ka carootay Soomaaliya ee Itoobiya loogu saxiixay badda.