Somaliland oo gacanta ku dhigtay maleeshiyaadkii dadka ku laayey Ceel-Afweyn

Hargeysa (Caasimada Online) – Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ahna madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ahaa dableydii shalay dadka rayidka ahaa ku leysay demada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sool.

Saylici ayaa sheegay in sidoo kale ciidamadu ay ku raadjoogaan maleeshiyaad kale oo ku lug lahaa falkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa ehellada dadkaasi u diray tacsi, wuxuuna ugu baaqay inay is dajiyeen.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shacabka Ceel-Afweyn in ay ka shaqeeyaan xoojinta nabad gelyada, si looga hortago dhibaatooyinka ka jira halkaasi.

‘’Waxaan ugu baaqayaa bulshada demada Ceel-Afweyn in ay xil iska saaraan adkeynta amniga.

Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbaleyso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaayo.’’ ayuu yiri C/raxmaan Saylici.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay 7 ruux oo ay ku jiraan Haween lagu dilay degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com