Somaliland oo ganacsatada suuqii gubtay ee Waaheen ku wargelisay war muhiim ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga taakuleynta iyo gurmadka suuqa Waaheen ee xukuumadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay inay soo dhamaatay nadiifintii iyo hubinta badqabka suuqii gubtay.

Wasiir Albaani ayaa sidoo kale sheegay in wixii ka dambeeya ay fasax u yihiin Ganacsatadii ay dhismayaashu kaga gubteen suuqa Waaheen inay dib u dhisan karaan dhismayaashoodii.

“Guryaha iyagu dadka gaarka u leeyihiin waxa la kulanay dadweynaha Sabtidii shalay tii ka horeysay, marka wada-hadalnay waxaanu u fasaxayna inay dhisan karaan, waxaana u sheegnay in waddooyinka dib loo dagi doonin oo guryaha naqshad loo sameeyay,” ayuu yiri Wasiir Albaani.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay Ganacsatada dhismayaasha leh ay ku wareejin doonaan hantidii loo ururiyay dib u dhiska suuqaas, isaga oo xusay in naqshad mideysan ay ka xukuumad ahaan u sameeyeen dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen.

“Waxaa u mahad-naqeyna guddigii ay iska soo xuleen ganacsatada ee sida fiican u shaqeeyay, marka dadku isku imaadan iyaga oo isu-maqan wey is-fahmayaan oo arrintooda wey dhamaaneysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu faray ganacsatadii ay hantidoodii ku shuf beeshay suuqii Waaheen inay berri iska soo xaadirayaan guriga shaqaalaha, isaga oo ku bogaadiyay dulqaadkii ay muujiyeen intii ay socotay shaqadu.

Si kastaba, Khasaaraha ka dhashay gubashadii baaxada weyneyd ee suuqa Waaheen oo ahaa midkii ugu weyna Somaliland ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysay $1.5 Bilyan illaa $2 Bilyan oo lacag ah.