SOMALILAND oo go’aan ka gaartay arrin ka dhalatay DAGAALKA Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay go’aan ka gaartay ardayda markii hore wax ka baran jirtay magaalada Laascaanood iyo degmooyinka hoosyimaada, kuwaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka dhowrka billood ka socda xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa go’aamisay in ardaydaasi oo kor u dhaafaya 3-kun arday in lagu qiimaynayo dhibcihii imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, islamarkaana loo fududeeyo qaabka ay ku heli lahaayeen shahaadooyinkooda, si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo shir-guddoomiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii golaha uu cod gacan taag ku meel-mariyay go’aankan, iyaga oo ka duulaya waajibaadka muwaadiniinta ka saaran iyo muhiimadda waxbarashada, sida lagu qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

“Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wuxuu cod gacan tag ah ku go’aamiyey in ardayda wax ka barata Laascaanood iyo degmooyinka hoos yimaada oo dhan, oo kala ah Dugsiga hoose dhexe 35,177, Dugsiga sare 5,465, oo wadartooda guud ay tahay 40,642 Arday in lagu qiimaynayo dhibcihii Imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, wixii gudbay sannad dugsiyeedkaasi 2022 oo dhamaa marka loo eego Fasalada siddeedaad ee degmooyinkaa oo dhamaa 2,233 Arday iyo Fasalada 12aad oo dhamaa 1,045 Arday in loo fudaydinayo qaabka ay ku helayaan shahaadooyinkooda si ay waxbarashadooda u sii wataan.”

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu cod gacan taag ah oo aanay cidna ka aamusin, cidna aanay diidin ku ansixiyeen xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023) oo guddi ka koobnayd golaha wasiirrada iyo garyaqaanka guud shirkii kan ka horeeyey loo xilsaaray soo dhamaystirkiisa, wax-ka bedelka iyo kaabistiisa.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha amniga Somaliland ka dhegeystay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxa kale oo goluhu warbiximo ka dhegeystay xubno ka mida golaha wasiirrada oo isugu jira guddidii nabadaynta shaqaaqadii gobolka Togdheer ee labada dhinac ee walaalaha ah ku dhexmartay oo Arbacadii la soo afjaray iyo guddidii xuska sannad guurada 32-aad ee 18-May oo golaha xogo ka siiyey guulihii ay ku soo dhamaadeen hawlihii loo xilsaaray.

“Gole ahaan waxaynu isku raacsannahay xaaladdii lagu maray 18-kii ay ahayd mid ugub ah oo taariikhda geli doonta oo ah in maalintaa aynu dabbaaldegaynaya iyo 16-kii oo ka horreeyey huwanta cadowga ahi ee gobolka Sool dagaallada gardarrada ah ka wadaa soo weerareen si ay u carqaladeeyaan dabbaaldegga Somaliland ee 32-aad,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay shirka golaha wasiirrada.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan aad ugu mahad-naqayaa oo taariikhda baal dahab ah ku leh dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwa militeriga, Asluubta, badda, Booliska, socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland, kuwa amniga iyo nabadda ilaaliya, dhammaantood ciidamadaas iyo wasaaradahoodu waxay fuliyeen in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan, dalka oo dhanna dabbaaldeggii iyo isu soo bixii uu noqday amni uu far lasoo geli kari waayey cadowgii. Dhammaan shacbiga Somaliland miyi iyo magaalana waxan ku bogaadinayaa inuu qof waliba halkiisa ka muujiyey waddaninnimadisii oo uu isu xilqaamay.”

Ugu dambayn waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey xeerka siyaasada isbedelka cimilada ee Qaranka, madaama isbedelka cimiladu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee haysta Somaliland qarnigan 21-aad, xukuumadduna ay dedaal badan gelisay sidii loo yarayn lahaa u nuglaanshaha cimilada, loona xoojin lahaa ilaalinta qaybaha bulshada nuqul iyo deegaanka dabiiciga ah iyo u diyaar garowga maaraynta musiibooyinka.