Xog: Al-Shabaab oo xir-xirtay horjoogayaal iyo xubno ajaanib ah + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xir-xirtay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaanib ah oo ku sugnaa gudaha Soomaaliya, kana barbar dagaalamayay kooxda, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay magacyada qaar kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee la xiray, kuwaasi oo ay ku kala sheegtay Fu’aad Baajuuni oo kasoo jeed dalka Tanzaaniya iyo Qudaama Kenyaati oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya.

Horjoogayaashan la xiray ayaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ay kooxda gashay, marka laga tago labadan horjooge, waxa kale oo la xir-xiray in ka badan labaatan ajaaniib ah oo iyaguna lagu eedeeyay inay ku aragti yihiin horjoogayaasha aan magacyadooda soo sheegnay.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka la xiray laga soo kala qabtay magaalada Bu’aale oo caasimad u ah gobolka Jubbada dhexe iyo magaalada Jilib oo ah magaalada ugu weyn oo ee xarunta u ah horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab.

Raggan ajaaniibta ah ee la xiray ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen ka qeyb qaadashada dagaalka ay kooxdu ka wajeyso dowladda federaalka iyo inay doonayeen in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Arrimahan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay warbaahinta dowladda baahineysay inay soo badanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee ka hor imaanaya horjoogayaasha Soomaalida ah.

Xubnahan ayaa lasoo wariyay in qaarkood si cad u sheegeen in aysan ka mid ahaan karin maleeshiyaadka Al-Shabaab, taas oo keentay in la khaarijyo ajaaniibta qaarkood oo awood ku dhex lahaa argagixisada, halka kuwo kale xabsiga loo taxaabay, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Tallaabadan ay qaadeen horjoogayaasha Soomaalida ah ayaa la sheegay inay keentay in ajaanib badan si dhuumaleysi ah uga baxaan Soomaaliya, ayada oo todobaadkii tagay ay aheyd, markii maleeshiyaad baxsad ka ahaa kooxda ay isku tuureen wabiga Jubba kadib markii ay ka war heleen in ay ku daba jiraan maleeshiyaad kale oo lagu amray inay soo dilaan.

Si kastaba, marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.