SOMALILAND oo hakisay kharashaadka xukuumadeda

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa gebi ahaanb hakisay badanaa kharashaadka xukuumadeeda, kadib cabsi baahsan oo kasoo food saartay in cudurka Coronavirus uu hoos u dhac ku keeno odoraska dhakhliga ee miisaaniyada 2020-ka.

Somaliland ayaa kharashaadka ay hakisay ee lacagtoodii dhimtay, waxa kamid ah kharashaad badan oo lagu bixin jiray Ictiraaf raadinta iyo Safarada dibedda iyo gudaha ay ugu bixi jireen Madaxda Somaliland.

Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa qoraal uu arrintaasi ku cadeynayo u kala diray Hay’adaha xukuumada Somaliland, iyada oo nuqul kamid ah oo uu si hoose usoo gaadhay Caasimada Online.

Wasiir Sacad ayaa dhimis 20% ilaa 100% ah ku sameeyay inta badan Kharashaadkii xukuumada, kuwaasi oo lacago kala duwan ay ugu jireen Miisaaniyadii sanadkan ee ay ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland.

Dr Sacad ayaa dhimista kharashaadka ku sababeeyay in Xukuumadu Muuse Biixi ay cabsi weyn ka qabto inuu hoos u dhac dhaqaale ku keeno cudurka Coronavirus, midaasi oo gebi ahaanba burburineysa aragtidii lagu sameeyay Miisaaniyadii 2020-ka, isla markaana uu kharash dheeriya ka dhalanayo

“Mudaneyaal, sida aan wada ogsoonahay waxa Dunida ka dillaacay oo lala tacaalayaa xanuunka safmarka noqday ee Covid-19, kaasi oo sababay dhimashada ka sakow inuu guud ahaan dhaqaalihii caalamku uu hoos u dhaco” ayuu ku yiri waraaqda uu Wasiir Sacad u diray Hay’addaha xukuumada Muuse Biixi.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Sidaa awgeed, iyadoo laga duulayo hoos u dhaca ku iman kara Odoroskii Dakhliga la qoondeeyay Miisaaniyadda 2020, oo uu sababi karo xanuunkan aan kor ku soo sheegnay, gaar ahaan dakhliga Goobaha uu saamaynta tooska ah ku yeeshay ee Madaarrada, Xuduudaha, Ganacsiga, IWM, ayaa Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu qaadday Tallaabooyin si ku meel-gaadh ah loogu dhimayo kharashaadkii Dawladda, si aanay u dhicin in Dawladdu gasho kharash dheeraad ah”.

 Hoos ka aqriso Nooca kharashaadka la dhimay iyo boqoleydooda:

1. Dhismayaasha 100%- la dhimay
2. Mashaariicda Horumarinta dowladda 100%
3. Daryeelka hantida kale 100%
4. Iibsiga hantida raagta 100%
5. Kharashaadka bilicda xafiisyada 100%
6. Dib u bixinta deymaha 100%
7. Dib u habeyn shuruucda 80%
8. Naqshadeynta magaalooyinka 80%
9. Safarada dibedda 80%
10. Tababarada iyo Imtixaanada 70%
11. Kh. Cilmi baadhista 70%
12. Kharashaadka lama filaanka 50%
13. Kharashaadka daryeelka gaadiidka 50%
14. Kharashaadka Aqoonsi raadinta 50%
15. Kharashaadka Marti-qaadyada 50%
16. Kharashaadka Stationery  50%
17. Qiimeynta ascaarta suuqa 45%
18. Kharashka PFM-ka 30%
19. Kharashka Safarada Gudaha 30%
20. Biilasha Taagan 30%
21. Kharashka Nabad-gelyada 20%