Xiisadda Somaliland iyo Puntland oo ka sii dartay kadib war kasoo baxay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu shaaca ka qaaday inuu ka hortagaayo doorashada maamulka Somaliland ee ka dhaceysa Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa haddalkaa jawaab kulul ka baxshay maamula Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in doorashadooda ay ka dhici doonto Gobolada Sool iyo Sanaag iyadoo aan arrintaa wax laga weydiin maamulka Puntland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay hoostagaan maamulka, isla markaana ay ka dhici doonaan doorashooyinka.

Somaliland waxa ay sheegtay in Puntland aysan sheegankarin degaano hoos yimaada maamulka Somaliland, haddii ay taa dhacdana ay ka bixin doonaan Jawaab dagaal.

Xuseen Aadan Cigge ”Xuseen Deyr” oo ah Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Puntland ay ku khaldan tahay hanjabaadeeda ku aadan inaanu doorashada Somaliland ka qabsoomi doonin labada Gobol.

Waxa uu Afhayeenku tilmaamay inay kawar hayaan ciidamada ay Puntland soo dhigtay xuduudkeeda, balse ay iska difaaci doonaan.

Waxa uu intaa raaciyay in Somaliland ay leedahay ciidan difaacikara xuduudaheeda, isagoona sheegay in Puntland ay dhibaato ka waddo gobolada Sool iyo Sanaag.

Waxa uu kusii daray in maamulka Somaliland ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cidkaste oo kusoo xadgudubta degaanadeeda.

Doorashada ayuu sheegay in ay ka dhici doonto Sool iyo Sanaag, islamarkaana halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Haddalka maamulka Somaliland ayaa kusoo beegmaaya xili laba maalin un ka hor ay Puntland Ciidamo geystay deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com