Akhriso magacyada 72-ka xildhibaan ee gudbisay mooshinka Cosoble

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay cadadka Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabelle ee saxiixay Mooshinka ka dhanka ah Hogaamiyaha maamulka Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ayaa cadad ahaan lagu sheegay 72 Xildhibaan oo dhamaantooda ka siman in xilka laga tuuro Hogaamiyaha oo lagu eedeeyay howl gudasho la’aan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Cali C/llaahi Cosoble, uusan ka baxsan doonin Mooshinkan laga geeyay.

Mooshinka saxiixan ayaa iminka ku jira gacanta Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Marwo Canab Axmed Ciise.