Aqalka Cad oo si kulul uga jawaabay haddal kasoo yeeray Trump oo qaab khaldan loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Aqalka Cad ayaa difaacay jawaabtii madaxweyne Donald Trump uu ka bixiyay rabshadihii uu dhiigga ku daatay eek a dhacay gobolka Virginia, waxayn sheegeen in madaxweynuhu uusan gaar u cambaareyn kooxaha midig-fog.

Balse afhayeen u hadlay ayaa sheegay in cambaareynta madaxweynuhu ay qayb ka ahaayeen caddaanka cunsuriyiinta ah.

Haweeney ayaa la dilay Sabtidii kaddib markii gaari la jiirsiiyay dibad baxayaal diiddan kooxaha caddaanka cunsuriyiinta ah ee isugu soo baxay magaalada Charlottesville, ee gobolka Virginia. Sagaal iyo toban kale ayaa dhacdadaasi lagu dhaawacay.

Dhanka kale 15 qof ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo kale oo la xiriira isu soo bax ay galabtii Sabtida sameeyeen kooxaha midig-fog.

Boqolaal ah dadka caddaanka cunsuriyiinta ah ayaa Sabtidii magaaladaasi ka sameeyay socod ay ugu magac dareen Mideynta Kooxaha Midigta, ayna uga soo horjeedeen duminta taallo loo dhisay dadkii gobolada Koonfurta Mar.

ISHA BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com