Somaliland oo jawaab ka bixisay tallaabada DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Hawada Somaliland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay tallaabada dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta sheegtay in hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad xamuul ah oo ku socotay magaalada Hargeysa, kana soo baxday magaalada Sharjah, taas oo ka diiwaangashan dalka Thailand.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa” ayaa lagu yiri warxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka Hawada Soomaaliyeed.

Somaliland oo ka jawaabeysay go’aankan ayaa beenisay in diyaarad laga celiyay Hargeysa, waxayna sheegtay inay maanta si caadi ah usoo dageen duulimaadyadii la filayay.

“Hayadda Duuulista iyo Madaarada JSL waxay bulshada la wadaagaysaa in Madaarka Caasimada ee Cigaal  iyo Madaarada kale ee dalkuba ay maanta marti galiyeen duulimaadyadii joogtada ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Duulista Somaliland.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay “Ma jirto diyaarad laga leeyahay Thailand oo xamuul ah oo maanta imanaysay Somaliland ama soo kacday  oo hawada laga celiyay”.

Dhinaca kale Hay’adda Duulista Somaliland ayaa sheegtay inay socdaan shirar gaar gaar ah oo looga arrinsanayo arrimaha soo kordhay, gaar ahaan maamulka hawada.

“Waxa kale oo Hayadda Duulista iyo Madaarada JSL ay dadweynaha ogaysiinaysaa inay socdaan shirar muhiim ah oo ku saabsan arimaha Hawada JSL, Goaanada shirarkaasna ay wakhtiga ku haboon bulshada la wadaagi doonto” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay sidaan oo kale ay dowladda dhexe hawada dalkeenna uga celisay diyaarad wafdi Itoobiyaan ah u waday Hargeysa, kana soo duushay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaas xilli ay sii xoogeysaneyso xiisada labada dal.