Koox cabtooy ah oo shacab ku laysay GALDOGOB

Galdogob (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta koox hubeysan oo cabtoy ah ay weerar khasaare gaystay ka fuliyeen degmada Goldogob ee gobolkaasi, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland.

Kooxdan oo Qamri waday ayaa la sheegay inay markii hore ay xoog kusoo dhaafeen kastamka Tuurdibi oo ay ku sugnaayeen ciidanka ammaanka, kaas oo yaalla dhanka Itoobiya, ayagoo soo dilay 1 askari oo ku sugnaa goobta kadibna ay soo galeen Goldodob.

Sidoo kale waxa ay isla Goldogob gudaheeda ku dileen ugu yaraan saddex qof oo ay ku jiraan wiil iyo aabihiis, halka qofka saddexaad uu ahaa nin ganacsade ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah kooxda cabtoyda ah iyagana la dilay hal nin, ayna baxsadeen raggii kale oo watay gaari, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa si weyn looga dareemay magaalada, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan laamaha amniga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga oo ku aadan dhacdadaasi, marka laga tago in weli baaritaano ay socdaan.

Inta badan deegaanada Puntland waxaa dhibaatooyin ka gaystay kooxo hubeysan oo ka ganacsada maandooriyaha, iskana kala goosha magaalooyinka maamulkaasi.

Ciidamada iyo kooxaha ayaa marar badan isku dhacay, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaara labada dhinac iyo dad shacab ah, sida maanta dhacday oo kale.