Taliyeyaasha BOOLISKA iyo NISA oo maanta hortegay golaha wasiirada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare, ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha golaha.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha soo kordhay ee xiisadda badda, xaaladda guud ee dalka, arrimaha ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada waxaa maanta sidoo kale hortegay taliyeyaasha Booliska iy Nabad-Sugidda, Sulub Axmed Firin iyo Mahad Salaad, kuwaas oo ka qayb-galay kulanka.

Labada taliye ayaa golaha la wadaagay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca guud ee dalka, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee ku aadan xiisadda Itoobiya.

Sidoo kale taliyeyaasha ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallada socda ee difaaca dalka, sugidda amniga, xasillinta iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Dhanka kale. Golaha Wasiirrada  Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta ee ku saabsanaa taageerada madax bannaanida, gobonimada iyo midnimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo shirka lagu meel-mariyey Siyaasadda Qaran ee Bad-qabka iyo Caafimaadka Goobaha shaqada iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan.

Ugu dambeyn golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista marwo Fatxiya Maxamed Yuusuf oo ka mid noqonaysa xubnaha maamulka Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee  Soomaaliya.