Somaliland oo ka gubatay ’erey uu MADAXWEYNE FARMAAJO ugu yeeray’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ugu baaqay inuu ka fiirsado oo uu ka feejignaado “hadallada qaranimada Somaliland lidiga ku ah ee uu ku hadlo.”

Wasiir Faratoon ayaa wax gaf ah ku tilmaamay ereyga uu madaxweyne Farmaajo mar walba u adeegsado inuu dawladnimada Somaliland ku sheego ee ah “maamul.”

“Farmaajo khalad bay ku ahayd inuu dawladnimada Somaliland  maamul ku sheego, Somaliland waa qaran leh, Madaxweyne la doortay, oo waliba Shacabka reer Somaliland si xor iyo xalaal ah u doorteen, waxaana dalkan ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland” ayuu yiri Faratoon.

Waxa uu intaas ku daray “Farmaajo cid gaar ahi ayaa doortay oo lama mid ahn Muuse, ee hore waxaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, ee Farmaajo intii Somaliland ku soo meeraysanayo waa inuu wax ka qabtaa halka uu maamulo, Somaliland dhabihii horumarka, guusha iyo ictiraafka ayey haysaa, ee midnimo dambe oo Somaliya la midawdo sinaba suurtagal ku noqon mayso, ee Farmaajo waa inuu ka fiirsada hadalada ka soo yeedhaya.”

Hadalladan cusub ee Faratoon ugu jawaabay Farmaajo ayaa sii kala fogeyn kara labada dhinac, xilli la isku dayayo inay wada-hadallo kale isugu yimaadaan, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay dowladda Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com