Somaliland oo ka hortimid heshiis muhiim ah oo DF Soomaaliya ay saxiixday

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen Dowladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Hay’adda ICAO, kaasi oo ahaa heshiiskii ugu dambeeyay ee ay dowladda Somaliya kula wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya.

Somaliland ayaa heshiiskaasi ku sheegtay inay ka dambeeyen wada-hadalo qarsoodi ah oo ay wada yeeshen dowladda Somaliya iyo Hay’adda ICAO.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo ka hadlay heshiiskaasi, ayaa sheegay inay adag tahay in la hirgeliyo heshiiskaasi ay kala saxiixdeen DF iyo ICAO, isagoona xusey inay jiraan cabashooyin kale oo laga qabo heshiiskaasi.

“Arintaas waxaan u aragnaa mid khalad ah oo si khaldan u dhacday caalamkuna aanu ogolayn anaguna aanaan ogolayn imikana aanan filayn inay sidaas ku sii socoto” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray “Si ay ku dhacdayba hay’adda ICOA iyo dawlada Soomaaliya wada-hadal qarsoodiya oo aan la ogayn cidinka kula socon ayaa dhexmaray, hawadiina ay ku wareejiyeen meelo badana waa laga qaylinayaa una malayn maayo inuu hirgelayo”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com