Xog: Farmaajo oo agaasime cusub u magacaabay hab maamuuska madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdi Xaaji Cumar Sandhool inuu noqdo agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Cabdi Xaaji ayaa beddeli doona madaxii hore ee agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada Saciid Kampala oo bishii tagtay ka baxsaday Muqdisho kadib markii uu lugaha la galay arrimo la xiriir muran dhuleed, si qaldanna u adeegsaday ciidamada dowladda.

Cabdi Xaaji Cumar Sandhool ayaa wuxuu ka mid ahaa dadka taageersan Madaxweyne Farmaajo ee ku nool dalka Ingiriiska, hase ahaatee markii uu Farmaajo guuleystey waxaa uu rajeynaayey xil wasiir, taasi oo aan dhicin.

Mas’uulkan ayaa la sheegay inuu abti ugu aadan yahay xaaska madaxweynaha oo hooyadeed ay xigto yihiin.

Marwada madaxweynaha ayaa muddooyinkan dambe waxaa la arkaa in ay dad badan oo xigtadeeda ah ay ku soo biirineyso dowladda.

Cabdi Xaaji Cumar Sandhool ayaa waxaa la magacaabey shalay isagoo jooga London, waxaana uu dhowaan iman doonaa Xamar si uu shaqada loo magacaabey u qabsado.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com