Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii wasiiru dowlaha arrimaha dibada Imaaraadka

Hargeisa-(Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay eedeyntii ka soo yeertay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani iyo hadalkii Wasiiru dowlaha Imaaraadka Carabta ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Somaliland.

‘’Waa dhab Imaaraadku si rasmi ah uma aqoosana jiritaanka Somaliland, Safaaradna kuma laha, Qunsulna kuma laha, laakiin xaqiiqdu waxaa ay tahay Somaliland wadan jira oo jiritaankiisu la aqoonsan yahay cid faro badan oo dan ka lihina ay heshiis kula gashay’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland.

Waxaa uu meesha ka saaray wasiirka eedeyn uga timid guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ku eedeeyay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Qiyaanno Qaran.

‘’Ma jirto Qiyaanno Qaran oo aynu galnay iyo Shacab la qiyaameeyay intaba, heshiiskan markii la galayayna Soomaaliya daraf kama aysan aheyn’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da

Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa noqday mid siyaabo isku dhow ay uga wada hadleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland kaas oo ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay la galeen dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla marakana uusan jirin heshiis Xukuumaddii hore ay kula gashay Imaaraadka dekada Berbera oo loo soo bandhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com