Somaliland oo olole ictiraaf raadin ah MAREYKANKA ka wada – Yaa ku gacan siinaya?

Washington (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo maalmihii dambe ku sugnaa caasimada dalka Mareykanka ee Washington ayaa kulan la qaatay Safiirkii hore ee dowlada Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saahil ee Afrika, Ambassador J. Peter Pham.

Wafdiga Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud ayna qeyb ka yihiin Marwo Edna Aadan iyo Wakiilka Somaliland ee Mareykanka ayaa waxay ka wada-hadleen dadaalada ictiraaf raadinta.

Ambassador J. Peter Pham oo inta badan ka hadla arrimaha khuseeya qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo siday Somaliland xaq ugu leedahay inay Beesha Caalamku aqoonsato, ayaa halkaa kulan soo dhaweyn ah kula yeeshay Wafdiga ka socda Somaliland.

“Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo wafdiga Jamhuuriyadda Somaliland ah oo booqasho ku jooga Washington, kuwaasi oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Edna Aadan & Wakiilka Somaliland ee Maraykanka,” ayuu Peter Phamku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in caalamka uu si weyn ula daahay in uu aqoonsi buuxa siiyo Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, hase yeeshe uu aduun weynaha ula tacaamilo maamul ka tirsan Soomaaliya.

Wafdiga Somaliland ayaa sidoo kale waxay magaalada Washington kula kulmeen Safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa dalalka Gini iyo Ethiopia, Tibor Nagy.

Tibor Nagy ayaa si weyn usoo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda Somaliland, isagoona guul u rajeeyay dadaalada ictiraaf raadinta ee ay wadaan mas’uuliyiintaas.

Waxa kale oo uu diblumaasigani sheegay in Somaliland tahay meesha keliya ee xilligan uu War wanaagsan ka yimaaddo, marka la eegayo Afrika, islamarkaana uu ka jiro nidaam dimuquraadiyadeed oo nabdoon.

Dadaalada ictiraaf raadinta ee Somaliland oo muddooyinkii dambe uu ka muuqday gaabis badan ayaa xiligan markale ay xukuumadda Muuse Biixi dar-dar cusub ku billowday, waxaana hadda ka gacan siinaya Ambassador J. Peter Pham, oo asagu inta badan u ololeeya qadiyada gooni-goosaadka Somaliland.