R/W Rooble oo amar siiyey gudiyada doorashada, fariina u diray madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo qoraal ka soo saaray doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa ugu horeyn bogadiyey guddiyada doorashooyinka heer federal iyo kuwa Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, isagoo fariin u diray guddiyada dowlad goboleedyada kale.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray guddiyada doorashooyinka, “Inay ilaaliyaan madax-banaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020,  27-kii May iyo 24 August 2021.”

Rooble ayaa qoraalkaan ku sheegay in hufnaanta doorashada ay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabad-gelyo ah iyo in xilligaan kala guurka ah uu noqdo mid looga gudbo si xasilooni ku jirto.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo saldhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah,” ayaa qoraal lagu yiri.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada inay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda, kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madax-bannaan oo hufan u  fuliyaan howlaha doorashada.