Gudiga doorashada oo war ka soo saaray musharaxnimada taliye YAASIIN FAREY

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa markii u horeysay ka hadlay hadal haynta qodob ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka oo Yaasiin Farey u diidaya inuu is-sharxo, haddii aanu buuxin shuruudda laga doonayo.

Qoddobkan oo ah midka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta ayaa waxa uu dhigaya in Saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee raba inay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka ay is-casilaan marka hore.

“Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta,” ayuu leeyahay qoddobka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta.

Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri in eedeynta qoddobkaas ay ku saxan yihiin, hase yeeshe habraacu uusan cidna ka reebeynin doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii Wada-tashiga Qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada Muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xadidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya, xil dowladeed ama xil ciidan, inuu iska soo casilo kursiga uu hayo,” ayuu yiri.

“Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb-galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul-darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isa-soo casilaan 7 maalmood ka hor.”

Hadalkan ayaa imanaya xili siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood iyo musharaxiinta u taagan kursiga uu isku soo sharaxay Yaasiin Farey ay sheegen in is-diiwaan-gelintiisa ay sharci ku dhisneyn, maadama ay sheegen in uu jabiyay qoddobkaas, marka laga imaado eedeymaha kala ee dul hoganaya.

Yaasiin Farey oo u sharaxan kursiga HOP67 ayaa la filayaa in maanta lagu doorto magaalada Dhuusomareeb, kadib markii laga reebay murashaxiintii la tartami lahaa, sidoo kalena ergo ciidan u badan oo Xamar laga qaaday loo geeyey Dhuusomareeb, si ay ugu codeeyaan.