Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay la dhigay afaafka hore ee Dugsiga Sare Banaadir oo ku yaalla halkaasi, iyada oo qaar ka mid ah ardayda iskuulka ay waxyeelo soo gaartay

Sidoo kale dad shacab ah oo wadada marayay ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay oo u badan shacab marayay wadada uu qaraxu ka dhacay.