S/L oo qaaday tallaabo uga dareysa xiisadda Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa Somaliland iyo Puntland laga dareemayo aagga magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaas oo hada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan.

Xiisadda ayaa kasii dartay, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay Somaliland ay ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay magaaladaas, taas oo ay ka carootay Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka fadhigiisu yahay Garoowe, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ka hadlay abaabulka ka socda Ceerigaabo ayaa farriin u diray Somaliland.

Ugu horreyn waxa u sheegay in ciidankaas laga soo qaaday aagga magaalada Oog, isla-markaana ujeedka uu yahay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Karaash ayaa ugu baaqay maamulka Hargeysa in ciidamada uu ka saaro koonfur magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si loo qaboojiyo xiisaddaasi.

“Waxaan ugu baaqaynaa maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray haddii ay Somaliland dhegaha ka furaysto baaqaas in ay qaadan doonaan masuuliyadda wixii dhibaatada ah ee dhalata arrintaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo dhawaan ay magaalada Ceerigaabo ka dhacday is rasaasayn dhex-martay ciidanka booliiska iyo koox maleyshiyaad ah.

Israsaasayntaas ayaa salka ku haysay markii ciidanka booliiska Somaliland ay xireen rag lagu sheegay inay ahaayeen kuwo ka ganacsada maandooriyaha, walow warar kale ay sheegayeen in ragga la xiray ay kasoo qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay Laascaanood.