Somaliland oo sabab yaab leh uga digtay in DEYNTA laga cafiyo SOOMAALIYA

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadashay deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana Beesha caalamka ugu baaqday in aan deynta laga cafin dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalku ay dhaqaale badan u heli doonto haddii laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, taasi oo ay ku tilmaamtay mid halis ku ah maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey arrimahaasi, isagoona cod dheer ku sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo aan wax hub loo gacan galin.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay haddii dowladda Farmaajo loo gacan galiyo hubkaasi, inay halis weyn oo amni u horseedi karaan Somaliland iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika, wuxuuna yiri

“Waxaan ogsoonahay in baryahanba dawlada Farmaajo ee Villa Somalia fadhidaa ay isku dayaysay in hub lasiiyo oo waliba ay waydiisatay dalalka Eratariya iyo Turkiga horena ay u soo siiyeen dalal aanan halkan magacayadooda ka  sheegayn”.

“IGAD iyo dalalka Afrikaba ha ogaadaan inuu hubku mabnuuc ka yahay Soomaaliya, ha ogsoonaadaan hubkaas haddii loo soo daayo in Somaliland iyo Geeska Afrikaba uu hubkaasi khatar ku yahay iyo dhibaato aan loo joogin, waxaan leeyahay aduun weynuhu ha ka digtoonaadan, haddii ay isaga u sii daayaana anagana ha noo soo daayaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa kale oo dowladda Villa Somalia isku dayaysay oo aynu ogayn ayaamahanba inuu la meeraysanaayay aduunka hanalaga saamaxo dayntii adeerkii galay, Dawladii Maxamed Siyaad Bare ee aynu inaguna xiligaas kamidka ahayn waxaan leeyahay hadii dayntaas laga saamaxo marka laga saamaxo waxa uu isku dayayaa inuu aduunka dhaqaale ku waydiisto oo uu dayn ku qaato”.

“Maanta oo ay beesha caalamku wax yar u tuur tuurto ayaa intii la siinayay waxa uu kaga samaynaayo maamul gobaleedyada iyo culayska uu saarayo aynu ognahay, haduu dhaqaalahaas helo waxa uu isku dayayaa inuu khal-khal siyaasadeed galiyo gobalka oo dhan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa