Somaliland oo shaacisay in ay deyneyso Bilaal Bulshawi

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Somaliland ay dhowaan sii deyneyso Bilaal Bulshaawi oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Xamar, kuna xiran magaalada Hargeysa.

Kaahin ayaa shaaciyey in ka wasiir ahaan uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl-galo arrinta wiilkaasi oo muddo  ku dhow labo bil u xiran maamulka Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay xaflad soo dhoweyn ah oo Hargeysa loogu sameeyey  Duuliye Axmed M Xasan (Axmed Dheere) oo xilligii dowladdii dhexe ee milatariga ‘iska diiday; in diyaarad uu duuliye ka ahaa duqeyso magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa ballan qaadka wasiirka arrimaha gudaha Somaliland si ballaaran u soo dhoweeyey ehelladiisa iyo sidoo kale inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed, maadaam Bilaal Bulshaawi uu caan ka ah barta sida weyn loogu xiriiro ee Tiktok.

Bilaal ayaa waxaa loo xiray arrimo la xiriira Calanka Soomaaliya, kadib markii isaga oo jooga magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland uu bulshada la wadaagay koob Shaax ah oo lagu dhex sawiray Calanka Soomaaliya.

Somaliland ayaa si weyn loogu dhaliilay xarigga wiilkaasi dhalinyarada ah, iyada oo hay’addaha dambi baaristuna ay dalbadeen in xabiga lagu sii haayo Bilaal Bulshaawi.