Somaliland oo shaacisay in R/W Kheyre uu u yaboohay madaxweyne iyo caasimad

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdulqaadir Jirde ahna guddoomiyaha KMG ee xisbiga Waddani ayaa kafishay qorshe aan shaaca laga qaadin oo dowladda federaalka Soomaaliya la tagtay shirkii dhawaan Jabuuti kula yeelatay Somaliland, kaasoo miiska wada hadalka uu keenay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu miiska wada hadalka uu soo dhigay in Somaliland la siinayo xilka madaxweynaha iyo in caasimadda Soomaaliya noqoto magaalada Hargeysa.

“Maalintii dhawayd shirkii la isugu tagay jabuuti ra’iisul wasaare Khayre waxa uu la yimid shirka Somaliland waxaanu siinaynaa madaxweynaha iyo caasimadda, haddee waana iyada oo aan la wada hadalba oo aan waxba laysla meel dhigin markaa fikirka ay inaga haystaanba waa inaynu nahay dad la soo xaraysan karo oo ay isleeyihiin sidii ay barigii horeba iskaga yimaadeen maanta la soo xaraysan karo,” ayuu yiri Cabdulqaadir Jirde oo warbaahinta la hadlayay.

Jirde ayaa sidoo kale sheegay in midnimo dhexmarta Soomaaliya iyo Somaliland aanay xalin karin xiligaan dhibaatada qolo kasta gaarkooda u haysata. 

“Soomaaliya dhibaatada haysata iyo mushkiladaha u yaalla midnimadu ma xalinayso balse dhibaatooyin kale ayey abuuraysaa.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Cabdulqaadir Jihde.

“Somaliland lafteeda doorashadan aynu qabsan kari waynay, kala qaybsanaanteena, maamulkeenii oo fadhiid noqday, wax la kala tirsanayo inoo xalin mayso” ayuu intaa ku daray.

Ugu danbeyn Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay inaanay midnimo lala galo Soomaaliya ay dhinacna faa’iido u lahayn, sida uu hadalka u dhigay, balse ay wanaagsan tahay in wax wada qabsi walaalnimo ay muhiim tahay.

Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday 1991-kii inay ka madax bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxay juhdi badan gelineysay sidii ay u heli laheyd aqoonsi dal madax bannaan oo dunida aqoonsan tahay, taasi oo aanay weli ku guuleysan.