Shirka madax goboleedyada dalka oo maanta ka furmaya degmada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shirka madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo ah mid aad isha loogu wada-hayo.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, doorashooyinka qaranka ee 2020 illaa 2021-ka, dib u eegista dastuurka iyo khilaafka maamullada qaar kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ajandaha maanta ee furitaanka shirka ah ayaa ah khudbado ay madasha ka jeedin doonaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo ku wada sugan Dhuusamareeb.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan madaxda mnaamullada dalka, tan iyo markii uu burburay golihii iskaashiga ee dowlad goboleedyada.

Gaba-gabada ayaa waxaa la filayaa in shirka war-murtiyeed laga soo saaro, kaas oo ku aadan waxybaaha miiska saaran ee laga wada-hadlayo.