Magaalada Gaalkacyo oo DAGAAL ku waabariisatay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka waabarigii hore ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid rogaal celis ah ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ku sugan xaafadda Garsoor ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Sidoo kale dagaalka oo xalay soo bilowday ayaa la sheegay inuu ka dhashay, ka gadaal markii maleeshiyaadka saaka weerarka qaaday dagaal looga saaray Koontarool ay uga sugnaayeen magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ammaaanka ayaa sidoo kale burburiyey waxyaabo maanka dooriya oo ay ka ganacsanayeen maleeshiyaadkaasi.

Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeney ayaa ku geeriyootay dalkaasi, halka ay ku dhaawacemeen lix kale, sida ay xaqiijiyeel ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan weli mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga  ee dowlad goboleedka Puntland.