Somaliland oo shaaca ka qaaday ‘qorshe culus oo ay damacsan tahay’ Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu waddo qorshe ka dhan ah ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo arrintaasi shaaciyay ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inuu ka dambeeyo dagaalka Laascaanood, uuna qaadayo weerarkii ugu dambeeyay.

“Hadda imika dagaalka Laascaanood ninka wadaa waa Drni, weerarkii ugu dambeeyay ayuu hada qaadaya, caawa ayuu soo baxay ciidankii uu diyaarinayay, ama aroorta ayay Garoowe kasoo baxayaan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Looma baahneyn in Puntland ay dagaalka Laascaanood hogamiso, ee waxaa loo baahna inay horumariso oo hagaajiso deegaanada ay gacanta ku hayso.”

Hadalka Wasiir Kaahin ayaa imanaya xili dhawaan maamulka Puntland uu qirtay in ciidan iyo dhaqaale wixii ay hayeen ay ku bixiyeen dagaalka Laascaanood, muddo ay Isimida dhaqanka SSC ka difaacayeen eedeymaha Somaliland.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood waxaa isa-soo tarayay dhinacyada ku biiraya dagaalka, ayada oo labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Somaliland iyo Puntland ayaa mid walba u xusul duubaya sidii ay uga talin laheyd deegaanadaasi la isku hayo, iyada oo dadka deegaanka ay ku haminayaan in ay dhistaan maamul madax-banaan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ka shanqadhiyay inuu rejo ka qabo in reer Sool ay wax la dhistaan maamulkiisa Puntland. Halka taasi bedelkeedana ay rabto xukuumadda Somaliland.